Imaaraadka ayaa amray in hey'adihiisa samafalka gurmad degdeg ah gaarsiiyaan dadka abaatuhu saameeyeen iyadoo la fulinayo amarka Maxamed Bin Zaa’yid Ala Nahyaan oo ah dhaxal sugaha Imaaraadka waxayna la soo gaareen gargaar degdeg ah iyadoo dalka intiisa badan ay ka jirto abaar saameysay dadka iyo duunyada meelaha qaar waxaa guray ceelashii dadku iyo xooluhu ay biyaha ka cabayeen
Dadaalka ay Bisha Cas ee Imaaraadka carabta iyo Hay’adda samafalka ee Dar Al Ber ay ku bixinayaan taangiyo biyood loogu talagalay qoysaska ay abaaruhu saameeyeen iyadoo ay u dheer tahay gargaarka kale ee bini’aadantinimo Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraatka Carabta ayaa sii wadda dadaallada Samafalka iyo gurmadka ay u fidineyso shacabka walaalaha ah ee soomaaliya kuwaasi oo dadka deegaanku ay soo food saartay xaalad biyo la’aan ah
Imaaraadka Carabta oo deeqo gaarsiiyey dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira Soomaaliya
Guddiga Abaaraha ee Wasaaradda Gargaarka ayaa deeq ka guddoomay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxamed Axmed Al-Othman gargaarkan ayaa isugu jira cunno Bariis, Digir iyo Saliid kuwaas oo ku nool deegaanno ku yaalla gobollada Somalia ee ay abaaruhu ku dhufteen
Waxaa kaloo oo jira eedeymo loo soo jeedinayo Dowladda Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa bilaabeen in ay iibsadaan deeqaha ka imaanayo walaalaha imaaraadka carabta kuwaas oo loogu tala galay dadka abaaruhu saameeyeen RW rooble ayaa macaash ka sameeynaayo gargaarka la soo garsiinayo somaliya
0 Comments