Jamciyadda Dar Al Ber ee dalka Imaaraatka Carabta ayaa diyaarisay olole ballaaran oo loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed

 

Ururka “Dar Al Ber

Ururka “Dar Al Ber” ee Imaaraatka Carabta ayaa bilaabay olole ballaaran oo gargaar bini’aadantinimo ah oo ay ugu magacdareen Soomaaliya kaas oo cinwaankiisu yahay (Soomaaliya... Waxaan nahay Hal) ujeeddaduna tahay in la fidiyo gacmaha gargaarka iyo samafalka iyo in la gaarsiiyo gargaar degdeg ah gargaarka loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed iyadoo ay soo food saartay xaaladda abaareed ee dalka ka jirta

Dar Al Ber” ayaa shaaca ka qaaday in ololahan deg degga ah uu socon doono muddo labo todobaad ah laga bilaabo maalintii talaadada aheyd waxaana la doonayaa in la uruuriyo deeqaha iyo taakuleynta dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan iyadoo qiimaheeduna dhan yahay 10 milyan oo Dirham oo ka socda deeq-bixiyeyaasha samafalayaasha iyo hay'adaha dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay iyadoo ay kormeerayaan iyo daba-galka Waaxda Arrimaha Samafalka iyo Shaqada ee Dubai

Dr. Muhammad Suhail Al Muhairi oo ah maamulaha guud ee ururka Dar Al Ber ayaa sheegay in ololaha bani’aadantinimo ee la balaariyay uu ka kooban yahay qeyba ugu muhiimsan iyo gar-gaarka kaasi oo dadka tabaalaysan lagu siinayo cunto iyo biyo nadiif ah oo ay cabbaan isla markaana la hirgeliyo tiro Mashaariic oo ceel qodis ah oo laga sameeyo meelaha ay dhibaatadu ka dhacday 

Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay in abaartu ay halis ku tahay inay barakiciso 1.4 milyan oo qof oo Soomaali ah iyadoo la filayo in saameynta abaarta ay saameyn ku yeelato lixda bilood ee soo socota Imaaraadka ayaa dadaal joogta ah wado kaas oo ay ku jiraan caawinta shacabka Soomaaliyeed isla markaana uu ku dhex jiro qaab dhismeedka xiriirka taariikhiga ah ee isku xira labada dal iyo labada shacab iyagoo gacmaha u fidinay dadyowga adduunka iyo ka caawinta inay ka gudbaan masiibooyinka dabiiciga ah iyo duruufaha nololeed iyo kuwa maadiga ah ee adag

Post a Comment

0 Comments