Imaaraadka oo khudbad ka jeediyey shirka QM wuxuu xaqiijiyey inay ka go'an tahay inuu qeyb ka qaato xasilloonida Soomaaliya

Somaliya iyo Imaaraadka carabta

 

Imaaraatka Carabta ayaa xaqiijiyay Talaadadii, sida ay uga go’an tahay la shaqeynta iyo iskaashiga Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka, si loo qaado tallaabooyin wadajir ah oo lagu horumarinayo nabadda, barwaaqada iyo xasilloonida Soomaaliya. Kulanka Golaha Ammaanka ee looga hadlayay xaaladda Soomaaliya, ayaa Imaaraadka waxa uu ku ammaanay dadaalka hagar la’aanta ah ee ay wadaan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya si ay u taageeraan Soomaaliya

Dadaalka cajiibka ah ee ay sameeyeen Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ee lagu taageerayo Soomaaliya, iyo Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya si loo bixiyo taageerada lagama maarmaanka ah ee Soomaaliya Imaaraadku wuxuu khudbadiisa ku sheegay in shirka golaha ammaanka uu ku soo beegmayo xilli Soomaaliya ay ka jirto xaalad adag oo bini’aadantinimo amni iyo mid deegaan oo u baahan dadaallo caalami ah oo dhameystiran oo la doonayo in wax looga qabto dhammaan caqabadaha jira

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday baaqa xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay isagoo warbixintiisa kaga hadlay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya loo gurmado si wax looga qabto khataraha amni ee ka hortagaya in nabad waarta laga helo gudaha dalkeeda gaar ahaan Xarakadda Al-Shabab oo weli sii wada weerarada iyo waxayna doonaysaa in ay wiiqdo awoodda ciidamada ammaanka iyadoo intii ay gacanta ku haysay qaybo badan oo ka mid ah dhulka bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya

Imaaraadka ayaa waxay carrabka ku adkeysay baahida loo qabo in diiradda la saaro taageeridda tubta siyaasadda oo saldhig u ah in Soomaaliya nabad waarta lagu gaaro iyo in dhamaan dhinacyada ay khusayso lagu dhiirri-geliyo inay ka qayb-qaataan wada-hadallo wanaagsan iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo sidii loo qaban lahaa doorashooyin loo dhan yahay oo buuxinaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed

Warka ka soo baxay Imaaraadka ayaa lagu xusay horumarada wanaagsan ee ka soo baxay hanaanka siyaasadda oo ay ku matalaan in la qabto doorashooyinka dhammaan kuraasta golaha guurtida oo golaha wada tashiga qaranku ay go’aan ku gaareen habraaca doorashada iyo go’aankooda ku aadan in la dedejiyo qabashada doorashada golaha shacabka ayna dhameeyaan ka hor inta aan la gaarin 25 February si loo guda galo kan madaxweynaha dalkane uu yeesho hey'ado sharci ah 

Post a Comment

0 Comments