Injineer u dhashay dalka Isbayn ayaa si qarsoodi ah guri uga dhistay biriish ku yaala magaalada Valencia ee dalka Spain, waxaanu gurigan oo uu injineerkani ku sheegay xafiiskiisa u gaarka ah kaga dhuuntaa ceeryoonka magaalada iyo saxmadeeda
Injineerkan oo lagu magacaabo Fernando Abelanas, sadex iyo sodon jirna da’diisu tahay ayaa sheegay in xafiiskiisan qarsoodiga uu ku dhistay uu ka soo del delan yahay mid ka mid ah biriishyada tiradda badan ee magaalada Valencia kaas oo sida uu tilmaamay uu ogolaansho la’aan ku dhistay
Kana baqayo in haddii uu sheego laga dumiyo oo dawlada hoose ka baabiin doonto fidiyow uu iska soo duubay isagoo ku sugan xafiiskiisa xatooyada uu ku dhistay ayuu ku soo bandhigay isagoo dhex fadhiya gurigaa uu biriishka ka hoos dhistay
Ninkan ayaa ku doodaya in sababta ku kaliftay tahay cidhiidhiga ka jira magaalada iyo buuqa oo ku batay goobtanina ay u noqotay meel jabaq la’ ah oo uu kaga raystay buuqii ka jiray magaalada inteeda kale waxaanu ku doodayaa in haddii uu maamulka magaalada waydiisan lahaa aanay u ogolaadeen kuna doodi lahaayeen in naftiisu halis ku geli doonto marka daadadku soo rogmadaan
Ninkan ayaa sheegay in xafiiskani u yahay meel uu ku dhuunto oo nasasho dheer ku soo qaato wakhtiyada uu firaaqada yahay aadnna u xiiseeyo joogitaankiisa oo naftiisu mar walba jeclaysato laakiin uu ka cabsi qabo in dhawaan la ogaado oo laga dumiyo
Ninkan ayaa sida muuqata doonay inuu taageero u helo gurigiisan uu sida sharci darada ah uga hoos dhistay biriishka magaalada Valencia ku yaala kaas oo aan ilaa wali dawlada hoose iyo laamaha dhismaha u qaabilsan magaaladaasi ogaan
0 Comments