Masuuliyiinta canshuuraha ee dalka Shiinaha oo ku sugnaa garoon diyaaradeed ayaa la kulmay arrin layaab leh ka dib markii ay fureen boorso ay lamaane wateen taas oo ay ka heleen 200 oo baranbaro oo waliba nool sida ay sheegeen
Sida uu qoray wargeyska Beijing Youth Daily, laamaha ammaanka ee ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee Baiyun International Airport ee magaalada Guangdong ayaa arkay in waxa boorsada ku jira ay nuuxnuuxsanayaan ka dib markii ay boorsadu dhex martay mashiinka wax lagu baaro
Arrintan layaabka leh ee lagu arkay lamaanahan da'da ah ayaa dhacday 25 Nofeembar ee sanadkii la soo dhaafay meesha waxaa ku jiray bac ay ka dhex dhaqdhaqaaqayeen waxyaabo badan oo madmadaw sida Kankan News ay u sheegay Xu Yuyu oo ilaalada ka mid ahayd
Gabadh ka mid ah shaqaalihii ayaa markaas furtay boorsada baranbaro ayaana ka soo yaacday in ay ooydana waxyar baa uga dhimanaaa ayayna hadalkeeda ku sii dartay markii la waydiiyay sababta ay u safrinayaan baranbaraha ninkii ayaa masuuliyiinta garoonka u sheegay in ay xaaskiisu jirka marsato
Ma uusan sii faahfaahin xaaladda xaaskiisu ku sugan tahay laakiin Yu ayaa sheegtay in masuuliyiinta loo sheegay in ay tahay nooc dawo ah oo waayadii hore la isticmaali jiray Inta kareen dawo ah lagu qaso baranbarta ayaana jirka la marsadaa
0 Comments