Hay’adda Save the children ayaa ka digtay in biyo yarida ka taagan Soomaaliya iyo abaarta ku dhufatay deegaannada qaar ay kumannaan qof u horseedi karaan inay u baahdaan gargaar bani’aadannimo waxay sheegtay in haddii aan hadda xaaladda dadkaas wax laga qaban ay bilaha soo socda ku dhawaad 3 milyan oo Soomaali ah wejihi doonaan cunno yari
Dalka Soomaaliya waxaa ka jira dhibaatooyin badan oo dhanka siyaasada iyo bulshada ah iyo arrimo badan oo sabab u ah musuq-maasuq waxaana Soomaaliya ka dilaacay mowjado abaaro iyo gaajo ah iyadoo dad badan oo Soomaaliyeed ay halkaasi ugu dhimanayeen cunto la’aan mas’uuliyiintan ayaa ku mashquulsan oo aan dan ka lahayn dhibaatooyinka dalka ka jira inkastoo qaar badan oo ka mid ah ay maalin walba u dhimanayeen
Imaaraadka ayaa la soo gaarey caawin isagoo soo gaarsiiyey gargaar degdeg ah wuxuuna badbaadiyay 8,200 oo qoys oo Soomaali ah oo ku nool deegaanada Jubbaland oo ay gaajo daran u dhimanayeen wax kasta oo ay ku caawin karto iyagoo u qaybiyeen saadka lagama maarmaanka ah ilaa inta suurtogalka ah 2dii bilood ee udanbeeyay sanadkii lasoo dhaafay dawlada imaaraadku waxay caawisay qoysas badan oo abaaruhu sameeyeen kuwaaso ku dhaqan qaybo badan oo kamida Gobolka Jubaland ee somaliya
Imaaraadka ayaa caawiyay 8,200 oo qoys taasi oo celcelis ahaan qoyskiiba ay tiradoodu ahayd 5-7 qof 2dii waxay ka dhigan tahay in ay badbaadiyeen ugu yaraan 41,000 oo qof taasina waa in ay muujisaa baaxada jacaylka ay u qabaan walaalahooda Soomaaliyeed kaalmaynta xilliyadii adkaa ee ay soo martay iyo wax u qabashada iyadoo gargaarkan oo uu ka koobnaa bariis, sonkor iyo saliid caano waana agabka aasaasiga ah ee qoys walba uu u baahan yahay Soomaaliya
Imaaraadka ayaa qaabilay kumannaan qoys oo ka soo barakacay degmooyinka Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe, Gedo iyo Waqooyi Bari ee dalka Kenya, waxaana dadka ugu badan ee ka soo barakacay tuulooyinkaasi ay u badnaayeen haween, carruur iyo dad da’ ah, kuwaasi oo ay ka muuqatay nafaqo darro aad u daran oo u baahan gargaar Iyadoo ay quus ka taagan tahay dadka ay abaaruhu saameeyeen ayaa waxaa dowlada imaaraadka Carabta ay u istaagtay sidii gurmad deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadkaasi barakacayaasha ah
0 Comments